Website-kaaga haddii uu noqdo mid culus, wuxuu si weyn u saameeyaa aqristayaasha wuxuuna sidoo kale hoos u dhigaa darajada uu ka helo bogagga raadinta sida Google. Hadda, si aad uga hortagto culeyska ku yimaada website-kaaga, raac qodobadan soo socda
- Isticmaal Hosting Xawaare Sare Leh sida Hilin Web Hosting
Hosting-ka website-kaaga wuxuu si toos ah u saameeyaa xawaaraha bogga. Doorashada Hilin Web Hosting waxay ku siinaysaa adeeg xawaare sare leh, tayo aad u wanaagsan, isla markaana la isku halleyn karo. - Yaree Cabirka Sawirrada
Sawirrada cabbirkoodu weyn yahay waxay culeys badan saaraan website-ka, taasoo gaabin karta xawaaraha bogga. Isticmaal sawirro tayo fiican leh balse cabbir ahaan yar, adigoo adeegsanaya websites-ka sida TinyPNG ama adoo isticmaalaya WebP format si aad u yareyso culeyska isla markaana aad u ilaaliso tayada. - Cusbooneysii Nidaamka CMS-ka (Update CMS)
Haddii CMS-kaaga (sida WordPress) uusan ahayn mid casri ah (updated), waxa uu sababi karaa gaabis, khaladaad, iyo dhibaatooyin amni. Had iyo jeer hubi inaad isticmaasho nooca ugu dambeeya si aad u ilaaliso xawaaraha, badbaadada, iyo hufnaanta website-kaaga. - Yaree Tirada Plugins-ka
Isticmaalka plugins fara badan wuxuu keeni karaa gaabis iyo culeys badan oo saaran website-ka. Isticmaal oo kaliya plugins-ka aad si dhab ah ugu baahan tahay, iskuna day inaad tirto kuwa aan muhiimka ahayn si aad u hagaajiso xawaaraha iyo waxqabadka boggaaga.
SOSTEC Technologies
Email: info@sostec.so / billing@sostec.so
Phone: 00252617717070 /613685454
Address: Waaberi,Mogadishu-Somalia